Sign in to follow this  
Deeq A.

Macalin Taree“Xidigaha Xulka Qaranka Waxa Ay Soo Bandhigeen Qaab Ciyaareed Aad U Wanaagsan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciyaartooyda xulka qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya ka qeyb galka tartamo kala duwan ee sanada 2019 ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo la dheelay kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta,iyagoo inta badan guulo waaweyn ka gaaray kulamadii saaxiibtinimo ee loo qorsheeyay.

60469015_314724476122407_414197369326377

Macalmiinta xulka qaranka ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ay soo bandhigeen ciyaartooyda laga  kala soo xulay kooxaha waaweyn ee dalka,iyagoo sheegay in qaab ciyaareedka looga baahan yahay in ay kusoo bandhigaan tartamada kusoo wajahan Soomaaliya bilaha inagu soo food leh.

58606465_2092167480860937_55920914041520

Cabdiraxmaan Axmed Macalin Taree oo ka mid ah tababarayaasha xulka qaranka Soomaaliya 2019 ayaa Goobjoog ugu waramay kulamadii saaxiibtinimo ay ciyaartooyda qaranka dheeleyn wuxuuna bogaadiyay isku xirka wanaagsan dhinacyada daafacyada,qadka dhexe iyo weerarka.

58606465_2092167480860937_55920914041520

Hadaba Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Goobjoog siiyay Macalin Cabdiraxmaan Axmed Macalin Taree

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this