Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfurta Suudaan Oo Shaqada Ka Ceydhisay Diblumaasiyiin Ka Howlgalayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jubba)-Dowlada Suudaanta Koonfureed ayaa Khamiista shalay sheegtay in 40 diblumaasi ay shaqada ka caydhisay kadib markii waajibaadkooda shaqo ay gudan Waayeen.

155803497517fff.jpg

War saxaafadeed ka soo baxay xarunta wasaarada Arimaha dibada ee magaalada Jubba ayaa lagu xaqiijiyay in shaqaalahan si aan sharci aheyn ay u qaateen fasax ayna wasaaradu Ogolaan.

Diblumaasiyiintaan ayaa qaarkood ka howlgalayay safaaradaha ku yaalla Mareykanka iyo UK.

Wasaarada ayaa sheegtay in ay ka xun tahay go,aanka ay ka qaadatay shaqaalahaan, balse aysna doorasho kale ayna laheyn si loo dardar galiyo howlaha Safaarada.

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibedda Suudaan ta Koonfureed Mawien Makol ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in magacyada diblumaasiyiintan shaqada laga joojiyay ay soo daabici Doonaan.

Shaqaalahaan ayaa qaarkood loo magacaabay xilalka muddo hada laga joogo afar Sanno

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this