Sign in to follow this  
Deeq A.

Facebook Oo Xidhay 265 Baro Warbaahineed Oo Israa’iil U Samaysatay Inay Ku Bartilmaameedsato Dalalka Ku Yaalla Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay xidhay 265 baro warbaahineed oo ay lahaayeen shirkad Israa’ilyiin ah oo lagu bartilmaameedsan jiray Lix wadan oo qaarada Afrika ku yaalla iyo wadamo ku yaalla koonfurta Maraykanka iyo koonfur bari ee Aasiya.

facebooook-740x416.jpg

Barahan ayaa lagu faafin jiray warar maxali ah, xogo qarsoon oo leeyihiin siyaasiyiinta iyo wararka la xidhiidha doorashooyinka wadamada Nigeria, Senegal, Togo, Angola, Niger and Tunisia

”Kooxaha waxay isku muujinayeen inay yihiin degaanka, iyagoo faafinaya wararka maxaliga ah ee degaanka iyo xogo sir ah oo laga soo ururiyo siyaasiyiinta wadamada Africa qaarkood” Sidaas Waxaa yidhi madaxda ka hortega dambiyada internetka ee shirakdda Facebook Nathaniel Gleicher

Baadhitaano ay samaysay shirkadda Facebook waxau ku ogaatay in qaar kamid ah Baraha la xiray lala xiriirinayo Shirkadda Archimedes oo laga leeyahay wadanka Israa;iil. Shirkadan ayaa laga joojiyay dhammaani Akoomadii ay ku lahaayeen facebooga.

5 ka mid ah Lixda wadan ee bartilmaameedku ahaa ayaa doorasho madaxweyne iyo Barlamaanka qabsaday saddex sanno ee la soo dhaafay, iyadoo dalkasi Tuuniisayana uu bisha December ee sanadkan uu doorasho gali doono

Dhinaca kale, Facebook waxay sheegtay in Kooxahan baraha la xidhay ay ku kharash gareeyeen xayaysiinta iyo faafinta wararkooda lacaga dhan $812,000 intii u dhexaysay December 2012kii iyo April 2019kii. Lacagaha inta badan waxaa lagu bixin jiray Dollar, lacagta Israal ee Sheke iyo lacagta Riyaaska la yiraahdo ee Baraasiil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this