Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab oo weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhiga ciidanka Kenya iyo Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab ay deegaan muhiim ah kala wareegeen ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa Jubbaland.

Al Shabaab ayaa  baahiyay wararka la xiriira inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka DIIF ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya iyo Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal dhowr Jiho ahaa Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka, kaasi oo sababay in ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay isaga baxaan, kadibna Al Shabaabla wareegtay gacan ku heynta deegaanka.

Al Shabaab ayaa shaaciyay in dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka, islamarkaana khasaaraha ugu badan ay gaarsiiyeen ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa baahiyay inay hub badan ka qaateen saldhiga deegaanka oo ay la wareegeen, waxaana muuqata inay saacado kadib ay isaga baxeen saldhiga deegaanka Diif oo weerarka uu ka dhacay.

Inta badan deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ayaa waxaa mararka qaar weeraro ku qaada Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

Majiro war kasoo baxay dowladda Kenya iyo maamulka jubbland oo ku aadan weerarka Al Shabaab ay sheegeen inay kula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this