Deeq A. Posted May 17, 2019 Gedo (SMN):-Xarakadda Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay Dagaal Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Duleedka Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo. War ay Al Shabaab ku faafiyeen barahooda internetka ayaa waxa ay ku sheegteen in Dagaalkaasi ay ku dileen askar ka tirsanaa Ciidamada Jubaland, waxaana ka mid ah dadka ay Al Shabaab Geeridooda sheegteen Taliyihii Ciidamadda Sirdoonka Magaalada garbahaarey ee Gobolka Gedo, Cornel Siyaad Caga laab. Dhinaca Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa iyaguna waxa ay guulo ka sheegteen Dagaalka Shalay ayaa Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, Jubaland, iyo Ethiopia, oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab waxaa uu ka dhacey Deeegaano u dhaw Degmadda Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, waxana ka dhashay qasaaro labadda dhinac ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites