Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo” Doorasho kastaahi Xiligeeda ayey dhaceysaa tan maamulada iyo dowlada dhexeba “

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Farmaajo oo qudbad ka jeedinayay munaasabada 15-ka May oo caawa lagu qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arimo xasaasi ah.

Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday shirkii Garoowe isaga oo sheegay in shirkaasi uu san fashil ku dhamaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ka soo horjeeysteen in la sameeyo madal u dhaxeeysa dowlada dhexe iyo maamul goboleeeyada.

“Shirkii garowe ma fashilmin guul ayu kuso dhamaaday marba hadii madaxdii dalka meel isugu tagtay kaliya waxaan diidnay in la sameeyo madal udhaxeysa maamulada iyo dowlada dhexe” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday arinta Gal-mudug ayaa sheegay watashi badan kadib uu madaxweyne Xaaf uu ka hor yimid.

Ugu dambeeyntii madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinka dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleeeyada ay xiligooda dhici doonaan

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo” Doorasho kastaahi Xiligeeda ayey dhaceysaa tan maamulada iyo dowlada dhexeba “ appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this