Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo Muqdisho kusoo laabtay iyo sababta uu Farmaajo ugu haray Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas soo gaaray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib todobaad uu magaalada Garowe u joogay shirkii Wadatashiga ahaa, kaasoo natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Madaxeynaha Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku haray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaana sababta uu haray kasoo baxayo warar kala duwan.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Villa Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoowe kusii sugnaano doon illaa laba cisho,  waxaa la sheegayaa inuu ka qeyb geli doono kulamo uu qeybaha kala duwan bulshada la qaadan doono.

Waxaa horey Garoowe uga soo tagay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kuwaas oo dowladda dhexe ku eedeeyey inay sabab u aheyd fashilka shirkii Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this