Deeq A. Posted May 9, 2019 Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka C/laahi Macalin Axmed (Tima Cade ) ayaa ganacsatada, hay’adaha samafalka iyo DFS ka dalbaday in Naafada Soomaaliyeed lala soo gaaro gurmad deg deg ah, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in la Afuriyo,waxaana sidoo kale uu shacabka ugu baaqay in ay u istaagaan u gargaarida dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Baaqa ka soo yeeray Golaha Naafada Soomaaliyeed ayaa ku soo aadayo, xilli la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites