Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuuriyada Waqooyi Oo Gantaal Cusub Tijaabisay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pyongyang)-Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal aan noociisa la aqoonsan, sida uu sheegay militariga dalka Kuuriyada Koonfureed. Waa tijaabadii labaad oo Pyongyang ay sameyso wax ka yar toddobaad gudihiis.

2F2BE89D-28BE-42B1-A85E-D571831B41A9_w10

Gantaalkan ayaa waxaa 4:30 galabnimo xilliga Pyongyang laga tuuray magaalada Sino-ri ee waqooyiga galbeed ee dalkaas, waxaana loo tuuray dhinaca bari, sida uu sheegay madaxa ciidamada Kuuriyada Koonfureed.

Bayaanka militariga Kuuriyada Koonfureed laguma sheegin halka uu ku dhacay gantaalka iyo masaafaha uu duulay.

Sarkaal Kuuriyada Koonfureed ka tirsan ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in gantaalka uu socday masaafo dhan 420 km.

Sino-ri ayaa hoy u ah gantaallada dalkaas, waxaana ka mid gantaalka riddada dhexe ee Nodong, sida ay sheegtay Xarunta Istaariijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale sabtidii tijaabisay wax ay taxliiliyayaasha ku sheegeen gantaal nooca riddada gaaban ee ballistic-ga ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this