Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan qarsoodi la qaatay safiirka dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu kulan qarsoodi ah la qaatay todobaad ka hor safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho Donald Yamamoto.

Farmaajo iyo Yamamoto ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamul Gobaleedyada.

Kulanka Farmaajo iyo Mareykanka ayaa daba-joogay kulan kale oo dhaxmaray madaxweynayaasha maamul gobaleedyada iyo safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ay ka wada hadleen sidii loo xalin lahaa tabashada maamul Gobaleedyada oo hoos u dhigay qabashada waxyaabihii laga filayay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbatay in ay xaliso dhamaan tabashooyinka ay qabaan maamul Gobaleedyada islamarkaana ay muujiso daganaan iyo tanaasul.

Mareykanka waxa uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in dowladda Soomaaliya shaqada kasta oo ay qaban laheyd ay curyaamiyeen khilaafka maamul Gobaleedyada sidaas darteedna waqtiga yar ee haray Farmaajo uu la heshiiyo maamul Gobaleedyada dalka ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this