Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari Bajaajle ku dilay Muqdisho oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askari ka tirsan Ciidamada ammaanka oo maanta darwal Mooto Bajaajle ahaa ku dilay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, sidoo kalena ku dhaawacay qof kale oo rayid ahaa.

Zakiyo Xuseen Axmed taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska oo soo saartay qoraal kooban ayaa shaacisay in la soo qabtay Askarigaasi.

Sidoo kale ayaa xustay in sharciga si deg deg ah loo keeni doono Askariga ka dambeeyay falkani dilka ah.

“Wargelin; Ciidanka Booliska ayaa soo xiray askari boolis ah oo maanta darawal mooto Bajaaj ku dilay qof kalena ku dhaawacay Tarabuunka, waxaana la marsiinaa sharciga. Marnaba ogaal meyno in askarteena dhib u geystaan shacabka” ayay tiri Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Inta badan Ciidamada dowladda ayaa geystay dilal ka dhan ah Wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ee ka howgala magaalada Muqdisho

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this