Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneraal Zakiya oo shaaca ka qaaday in lasoo qabtay askarigii dilka gaystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda ayaa gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya oo barqanimadii maanta darawal mooto bajaajle ahaa ku diley Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan halka qof kale uu dhaawacay.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in askarigaas dilka iyo dhaawaca geystay ay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gacanta ku dhigeen.

“Wargelin; Ciidanka Booliska ayaa soo xiray askari boolis ah oo maanta darawal mooto Bajaaj ku dilay qof kalena ku dhaawacay Tarabuunka, waxaana la marsiinaa sharciga. Marnaba ogaal meyno in askarteena dhib u geystaan shacabka ayay tiri Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamada Dowladda  Soomaaliya ayaa caadeystay dilalka darawalada Mooto Bajaajta, waxaana weli jirin askari maxkamad loo soo taagay in uu ka dambeeyey dilalkaas oo weli ka socda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Si kastaba, maalmahan dambe waxaa yaraa dilalka kala duwan ee askarta u gaystaan dhalinyarada wadata Mootada Bajaajta, balse dilkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo jawiga Magaalada uu yahay mid nabdoon.

Isgoysyada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la soo dhigay Ciidamo badan oo Boolis ah, kuwaasi oo gaadiidka ku baara Koontaroolada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this