Sign in to follow this  
Deeq A.

Hodan iyo howlwadaag oo caawa ku baratamaya tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Tartan Aqooneedka Shabelle oo Caawa galaya habeenkiisa labaad ayaa waxaa ku madalsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Waa labo degmo oo daris ah, islamarkaana ku wada jira Group-ka A ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan wada diyaar garow xoogan, si ay degmo welibo u difaacato dhibcaheeda.

Hodan iyo Howlwadaag sidoo kale waa degmooyin ku firfircoon dhanka waxbarashada, taas oo kulanka caawa ka dhigeysa in uu yahay mid darbi ah.

Kulankii ugu horreeyay oo xalay la qabtay ayaa waxaa ku wada baratamay degmooyinka Kaxda iyo Baraawe .

Kaxda ayaa guul taariikhi ah u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Baraawe ee gobolka Sh/ Hoose.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa Shirkadaha BECO iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adulty Commercial Secondary School.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this