Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruux Al Shabaab ka iibinayay hubka oo la xukumay -Akhriso

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday ruux ku eedeysan inuu Al Shabaab u daabuli jiray hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu ka iibin jiray.

Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed oo loo yaqaan Cadow Carab, ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay ku xukuntay sideed sano oo xabsi ah, waxaana xukunkiisa ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute.

30-kii April ee Sanadkan ayay Maxkamadda Ciidamada ballamisay dhageysiga Dacwadda, waxaana xilligaasi looga yeeray fadhiga Maxkamadda dhinacyada ay qoseyso.

Si cad ayuu fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in uu u furnaa suuq uu ku iibiyo Hubka oo cid kasta oo daneysa Hubka uu ka iibin jiray laakiin arrinta la yaabka leh  ayaa ahayd in uu safarro ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo Nuucyada Rasaasta iyo Hubka.

Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarag ayuu geyn  jiray hubka isaga oo ku kala wareejin jiray shaqsiyaad Alshabaab u qaabilsanaa Keydinta Hubka sida uu garsoorka ka hor caddeeyay Cadow.

Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) uusan ahayn dhallinyaro la marin habaabiyay balse uu go’aansaday in uu  hanti ka sameeyo dhiigga Umadda, waxa uu garsoorka u sheegay in Eedeysanaha uu ku qanacsanaa shaqada Alshabaab uu u hayay.

“Dadaal iyo Juhdi ayuu ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo goobaha ay ku dhuumaaleysteen hubka iyo Rasaasta, waxa uu isticmaalay farsamo kasto uu Alshabaab ugu geeyo Hubka “ ayuu Hadalkiisa sii raaciyay  ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida,  garsoorka Maxkamadda ayuu weydiistay isaga iyo kuwa lamidka ah in la marsiiyo ciqaab u dhiganta qodobada sharciga ah oo ay ku soo eedeeyeen.

Todobaad kadib Maanta ayay Maxkamadda kasoo saartay go’aan eedeysanaha, waxaana Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab)   lagu xukumay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka  digtay iibinta hubka Qarsoodiga ah (Cir-toogte), waxa ayna Maxkamadda fartay hey’adaha Ammaanka in ay baaris iyo daba gal ku sameeyeen Shqsiyaadka ka ganacsada Hubka.

“Shaqsigii ay ku cadaato in uu gacan ku siiyo cid kasta oo lid ku ah dowladnimada hub iyo Rasaas waxa uu inooga dhigan-yahay sida kooxaha arga-gixisada, waxa uuna heli doonaa ciqaab u dhiganta miisaanka dambi uu galay, Ogaada cid loogu dulqaadan doono ma jirto ficillada nuucaas oo kala ah” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa heysta fursad uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this