Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaxda oo guul ka gaartay dhiggeeda Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle ku loomay degmooyinka Kaxda iyo Baraawe oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Labada degmo oo ku wada jira Group-ka A ayaa xalay ku kulmay is araga koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tartamayaasha labada dhinac ayaa soo bandhigay tartan xiiso badan, iyagoona kala keensaday 14 dhibcood oo ay heshay Kaxda iyo 8 buundo oo ay la timid Baraawe.

Hayeeshee labada degmo ayaa jabiyay tiirar ka mid ah xeerka u yaalla barnaamijka tartan aqooneedka Shabelle, waxaana guddigu mid laba dhibcood ay ka jareen labada dhinac, waxaana natiijo ahaan tartanka uu ku soo gabagaboobay Kaxda oo keensatay 12 Dhibcood, iyo Baraawe oo la timid 6 Dhibcood.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba gelinaya Shirkadaha BECO iyo Coca-Cola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this