Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo shaacisay khasaaraha kasoo gaaray weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen saldhigooda Mandheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandheera (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in ciidamadeeda uu khasaare kasoo gaaray weerar cusub oo xoogaga Al Shabaab ay ka fuliyeen gobolka NFD.

Ku xigeenka Madaxa gobalka Mandheera ee Dowlada Kenya Loanse Amondi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 1 Askari uu ku dhaawacmay weerarkaasi lagusoo qaaday ciidankooda ku sugan deegaan ka mid ah dhulka N.F.D.

Waxaa uu intaasi ku daray in xoogagga Al Shabaab ay saldhigyada ka qaateen  qoryo iyo saanado Melleteri ay ka carareen ciidamadii Kenyaatiga ee ku sugnaa Saldhigyada la weeraray .

Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan u dhow xadbeenaadka Kenya ay la wadaagto gobalka Gedo lagu dhaawacay tiro Askar katirsan Booliska Kenya iyagoona sheegay in xogtaasi ay ka soo xigteen Saraakiil katirsan Booliska Kenya .

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen  Baraha ay ku leeyihiin  Internet-ka waxa ay ku sheegeen in saldhiga Ciidamada Kenya ee ku yaalla Meel u dhow Magalada Mandheera ay weerareen,isla markaana ay la wareegeen.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this