Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Iyo Masar Oo Ka Wadahadlay Xoojinta Xiriirkooda (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa shalay oo Axad ahay ah ku qaabilay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Danjire Hamdi Loza, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga iyo sidoo kale arrimihii ugu dambeeyay gobolka iyo dunida.

Soomaaliya waxa ay doonaysaa inay hore ugu dhaqaajiso xiriirka kala dhexeeya Masar dhinacyada kala duwan si kor loogu qaado wax wadaagga istiraatiijiga iyo in la qoto dheereeyo iskaashiga dhan kastaba leh, oo ay ka mid yihiin ammaanka, milatariga, waxbarashada iyo ganacsiga.

FB_IMG_1557103784328.jpg FB_IMG_1557103827779.jpg FB_IMG_1557103795534.jpg FB_IMG_1557103775026.jpg FB_IMG_1557103780139.jpg FB_IMG_1557103808256.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this