Sign in to follow this  
Deeq A.

Miinooyin iyo Qaraxyo Al Shabaab adeegsan lahaayeen Ramadaanka oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay keydka Al Shabaab ee miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa, sida ay sheegeen taliska ciidamada Booliska.

Ciidamada amaanka oo howlgalka ka sameeyay magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay inay kusoo qabteen keyd Al Shabaab ku lahaayeen degmada iyo deegaano hoostaga.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiyo Xuseen oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ciidamada ay qabteen 12 qaraxyada waaweyn ee loo dhigo gaadiidka Tangiga iyo sunta qaraxyada laga sameeyo.

Waxay sheegtay in Al Shabaab ay doonayeen in hubkaasi ay adeegsadaan inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan, islamarkaana ay ku waxyeeley lahaayeen shacabka gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxay sheegtay in ciidamada amaanka ay qabteen labo ruux oo ka tirsan Al Shabaab oo ku eedeysan inay degmada Waaberi ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada Minishiibiyada gobolka.

Labo ruux oo kale oo siyaabooyin kala duwan dilal uga geystay degmada Kaaraan ayay sidoo kale sheegtay in ciidamada booliska ay gacanta kusoo dhigeen.

Hoos ka dhageyso codka Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Taliska-Booliska-Soomaliya-Ayaa-Sheegay-iney-Gacanta-ku-dhigeen-keyd-walxaha.mp3

D5z1pFIWkAA-NHt.jpg D5z1pFJXsAAqnU-.jpg D5z1pFKWsAAoF45.jpg D5z1pFLW4AgbjF_.jpg Miinooyin.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this