Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Amniyaatka Al-Shabaab u qaabilsanaa G/Banaadir oo duqeyn culus loo geystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo iyo dagaal toos ah oo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Jubada Dhexe oo ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa waxaa ay sheegeen duqeyn dhinaca cirka ah lala beegsaday Gari uu la socday Sarkaal Amniyaatka Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir oo lagu Magacaabo Khaalid Abuukar Xasan.

Sidoo kale weerar labaad ayaa waxaa ay sheegene in lala beegsaday Saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,isla markaana lagu dilay 16 qof oo isugu jira Saraakiil iyo ilaaladooda.

Lama oga khasaaraha weerarada ku gaaray Ciidamadii isbaheysanayay, iyadoo markii dambe ay dib uga soo gurteen goobaha howlgalada ay ka fuliyeen.

Ma jirto wali wax war ah oo Mareykanka uu ka soo saaray weerarka oo la rumeysan yahay in diyaaradahooda ay fuliyeen, iyadoo Shabaabna aysan ka hadal waxa ka jira wararka sheegaya in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay howlgalka xalay.

Si kastaba, Mareykanka ayaa sanadkan kaliya ilaa iyo 35 weerar ka geystay dalka, kuwaasoo Saraakiishooda ay sheegeen iney ku dileen inkabadan 300 oo Shabaab ah, waxaana weerarada ay u badnaayeen kuwo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha leheyn ee Droness-ka.

Dhinaca kale dagaal culus ayaa duleedka degmada Bu’aale waxa uu ku dhexmaray ciidamada huwanta iyo kuwa Al-Shabaab,waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalkaas, iyada oo lagu soo waramayaa in Al-Shabaab ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Al-Shabaab weli dhankooda wax war ah kama soo saarin weerarka xalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, iyada oo weerarada noocaas oo kale ah ay inta badan ay fuliyaan Ciidamada Mareykanka eek u sugan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Jilib
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this