Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Badan Oo Laga Cabsi Qabo Inay Ku Dhinteen Weerar Ka Dhacay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dhowr qof oo rayid ah ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday ismaamulka amxaarada ee dhaca waqooyiga Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowlada Addis-ababa.

155691034266a89.jpg

Waxaan xaqiijin karnaa in ay hada socoto baadi goobka dad maqan oo la la’yahay iyo kuwo ku waxyeeloobay weerarkii isniintii, sidaasi waxaa AFP u sheegay Geleta Hailu oo ah agaasimaha dhanka warfaafinta ee ismaamulka Benishangul Gumuz.

Mr Hailu ma uusan xusin inta ruux ee ku dhimatay weerarkaan balse waxaa uu tibaaxay in 80 qof dad ka badan ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkaan oo la aaminsan yahay in uu ku saleysan yahay dhanka qabaa’ilka ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 100 qooys.

Illaa iyo hada lama aqoonsan maleeshiyada geysatay weerarkaan balse waxaa uu imaanayaa kadib dagaal dhexmaray qowmiyada Gumuz iyo Amhara oo ay ku dhinteen 21 qof todobaadkii la soo Dhaafay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this