Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin La Dhashay Madaxweynaha Dalka IRAN Oo Xabsi Lagu Xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Maxkamada dalka Iran ayaa xabsi ku xukuntay Hossein Fereydoun oo la dhashay Madaxweynaha xilka haya ee Hassan Rouhani.

Rouhani-Walaalkiis2.jpg


Maxkamada ayaan faah faahin danbiyada lagu soo eedeeyey Hossein Fereydoun oo kamid ah Lataliyayaasha sare ee Madaxweynaha, kiiskan ayey taageerayaasha Madaxweynaha ku tilmaameen mid siyaasadeysan oo la doonayo in lagu dhaawaco Madaxweyne Rouhani.

Sanadkii 2017 ayaa mar la xiray Hossein Fereydoun oo lagu soo eedeeyey danbiyo la xariira musuq maasuq iyo lunsasho hanti Qaran, waxaana xiligaasi lagu siidaayey damiin, bishii Feberaayo ee sanadkan ayaa la bilaabay Maxkamadeyntiisa, walow aan warbaahinta loo soo bandhigin nuxurka kiiskan oo aan xog badan laga hayn.

Hossein Fereydoun ayaa isagu sheegay inuu kasoo horjeedo xukunkan lagu riday isagoo sheegay inuu racfaan ka qaadan doono.

Kiiskan ayaa la rumeysan yahay inay ka danbeeyaan hogaamiyayaasha xagjirka Iran oo doonaya inay ku ceebeeyaan arrintan Madaxweyne Hassan Rouhani oo kamid ah siyaasiyiinta qunyar socodka ah ee wadankaasi.

Ninkan Hossein Fereydoun ayaa kamid ahaa kooxdii kasoo shaqeysay Heshiiskii lagu joojiyey Barnaamijka Nukliyeerka Iran oo ay sanadkii 2015 wada saxiixeen Beesha Caalamka iyo xukuumada Rouhani, heshiiskaasi oo ay si weyn uga soo horjeedeen xagjirka Iran ayaa waxaa markii danbe laalay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this