Sign in to follow this  
Deeq A.

Su’aasha ugu adag ee Farmaajo iyo Kheyre lagu weydiin doono shirka Garoowe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada, ayaa saaka ka furmaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shirka waxaa ka qayb-gelaya madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha, dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo xubno ka socda daneeyaasha Beesha caalamka.

Qodobada shirkan looga hadli doono waxaa kamid ah: amniga Qaranka, dhammasytirka Dastuurka dalka, qaybsiga khayraadka iyo hannaanka cadaaladda.

Balse, waxaa jira qodob kale oo ay mudnaan gaar ah siinayaan, madaxda dowlad goboleedyada, islamarkaana kamid ah arrimaha salka u ah khilaafkii hore ee labada dhinac.

Qodobkaasi, waa qaybsiga deeqaha caalamku bixiyo ee lagu soo qaado magaca Soomaaliya iyo hannaanka ay u maamusho xukuumadda Federaalka.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka cabanaya in aysan qaybtooda ka helin deeqaha laga soo qaado caalamka, iyagoo xukuumadda ku eedeynaya in ay si qaldan u maamusho deeqahaasi.

Dadka sida hoose ula socda arrimahan, ayaa sheegaya in malaayiin lacaga oo magaca Soomaaliya xukuumaddu ku soo qaaday, aysan si saxa u gaarin dowlad goboleedyada.

Sidoo kale, waxay aaminsan yihiin in su’aasha ugu adag ee madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre lagu weydiin doono shirkan ay noqon doonto, habka ay u maamuleen malaayiinta Dollar ee deeq-bixiyaashu ku caawimeen Soomaaliya, balse aan gobolada dalka la gaarsiin?

Su’aashaasi haddii ay si daah-furan uga jawaabi waayaan madaxda xukuumadda Federaalka, waxay xoojin doonta dalabka dowlad goboleedyada oo doonayo in si toos ah loo siiyo deeqaha caalamku bixiyo.

PUNTLAND POST

The post Su’aasha ugu adag ee Farmaajo iyo Kheyre lagu weydiin doono shirka Garoowe? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this