Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabley Hubeysan Oo 11 Qof Soomaali Ku Dilay Deegaanka Soomaalida Ee Waddanka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Siti)-Wararka ka imaanaya Gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in 11 qof oo shacab ah la dilay, halka tiro kalena la dhaawacay, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen dadkaas.

siti.-696x411.jpg

Wasiirka Warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdillaahi Maxamed Mowliid ayaa sheegay in dilkan ay geysteen dhalinyaro hubeysan oo ka soo jeeda Qowmiyadda Cafarta oo ka mid ah dadka degan Gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Falkan ayaa salka ku ku haya dhul la isku heysto oo muddooyinkii u dambeeyay soo jiitamayay, waxaana Wasiirku sheegay in si sharci ah loogu kala bixi doono dhulkaas cidii yeelata lagu wareejin doono.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirka in wax laga qaban doono arrimahan oo ku soo noq-noqday deegaanka, isla markaana xiisadaha la xidhiidha dhulalka la isku heysto laga gaari doono xal.

Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa jiray xiisado u dhaxeeyay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaana xiisadahaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaadhay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this