Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Taliye ka tirsan Puntland oo ka badbaaday qarax gurigiisa lala eegtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaraxa ayaa dhacay wakhti dambe oo ku beegan 1:00am ee xalay xilligaasi oo aan magaalada looga baran in qaraxyo ka dhacaan islamarkaana dadka badankoodu ay hurdeen.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino nooca boodada loo yaqaan ah oo lagu aasay kadinka guriga taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala G/sare Cabdiraxmaan Qadaafi.

Taliyaha ayaa sida la xaqiijiyay ka badbaaday qaraxa lamana soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxaasi balse gurigiisa ayaa burbur ka soo gaaray.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala iyo ku xigeenkiisa ayaa magaalada Boosaaso ka deggan laba guri oo isku-dheggan kuwaasi oo uu xalay saameeyay qaraxa.

Laamaha amniga dowladda Puntland ee gobolka Bari ayaan dhankooda weli ka hadlin qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin: Taliye ka tirsan Puntland oo ka badbaaday qarax gurigiisa lala eegtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this