Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Ku Meel Gaadhka Ah Ee Dalka Sudan Loo Dhisaayo Oo Laysku Maan Dhaafsanyahay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sudan) Xubin ka tirsan Millatariga Dalka Sudan ee Xukunka la wareegay ayaa sheegay in ciidammadu aysan ogolaan doonin in inta badan jagooyinka golaha maamulka ay la wareegaan shacabka xilli la doonayo in la dhiso dowlad kumeel gaar ah.

092716EF-FFCC-4451-86A4-1BC4A3320A1B.jpe

Janaraal Saalax Cabdel Khaaliq waxaa uu sheegay in shacabka laga qeybgeli doono dowladda balse ay heli doonin jagooyin aan sidaasi u badneyn marka loo barbardhigo militariga.

Waxaa uu sheegay inay cafis u fidinayaan hoggaamiyeyaasha go’aanka ah ee mucaaradka ee horkacayay dibadbaxyada.

Wadahadallo u dhexeeyay mucaaradka iyo militariga ayaa ku dhamaaday guuldarromarkii laisku afgaran waayay arrinta ku aadan dhistaanka dowlad rayid ah.

Shacabka Suudaan ayaa dibadbaxyo ay ku codsanayeen in talada loo dhiibo dowlad rayid ah ka dhigayay dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this