Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo tiro dad ah ku Toogtay Dowlad-deegaanka Soomaalida – Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (PP) ─ Ugu yaraan 11-qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen gobolka Siti ee dowlad-deeaanka Soomaalida dalka Itoobiya, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen dadkan oo aan waxba galabsan.

Wasiirka Warfaafinta DDSI, C/llaahi Maxamed Mowliid oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dilkan ay geysteen dhallinyaro hubeysan oo kasoo jeeda Qowmiyadda Cafarta oo ka mid ah dadka deggen gobolkaas.

“Dhalliyaro hubeysan oo ka tirsan Cafarta ayaa dilalkan geystay, runtiina wuxuu falkan salka ku hayaa dhulka la isku hayso si sharci ah ayaana loogu kala bixi doonaa, ciddii dhulkan yeelata ayaana lagu wareejin doonaa,” ayuu yiri wasiir Mowliid.

Sidoo kale, Wasiirka oo la weydiiyay in falkan noocan oo kale uu dhawr jeer ooh ore soo laalaabtay iyo sababta wax looga qaban la’yahay ayaa sheegay inay ku jiraan qorshihii ay wax uga qaban lahaayeedn falkan, isla markaana ay uga hor-tegi lahaayeen inuu mar kale dhaco.

“Xukuumadda DDSI iyo maamulka gobolkaba iyo dawladda faderaalka ahba masuuliyad ayaa ka saaran ilaalinta shacabka, waxaana ka shaqaynaynaa in arrintan oo kale aysan soo noqon” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Dadkaan shacabka ahaa ee lagu laayay Gobolka Sito ayaa gabi ahaantood ahaa Soomaali, waxaana falkan uu kusoo beegmay iyadoo shalay lasoo gaba-gabeeyay shir lagu nabadeynayay Soomaalida iyo Oromada oo dhawr jeer ay dagaallo ku dhex-mareen dalka Itoobiya.

“Ma doonayno inaan ciidanka Liyuu booliiska ku amarno inay dagaal galaan, balse muhiimaddu waa inaan nidaam dastuuri ah marno oo sharcigu sida uu ogol yahay aan dadka wax ugu qabanno, haddii taas la waayana inaga ayay noo taallaa sidaan tallaabo u qaadi lahayn,” ayuu wasiirku ku jawaabay mar la weydiiyay inay amar ku bixinayaan in kooxaha falkaas geystay si awood ah lagu soo qabanayo.

Ugu dambeyn, Sannadihii ugu dambeeyay waxaa DDSI ka socday falal loo geysanayo dad shacab ah, kuwaasoo intooda badan ahaa Soomaali, inkastoo ay jiraan dad qowmiyadaha kale kasoo jeeda oo dhibaatooyin loo geystay, waxaase socda dadaallo la doonayo in wax looga qabato falalkaas foosha xun.

PUNTLAND POST       

The post Kooxo hubeysan oo tiro dad ah ku Toogtay Dowlad-deegaanka Soomaalida – Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this