Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobdoon ka dhacdey Deegaanka Golweyn ee G/Sh/Hoose.

Recommended Posts

Deeq A.   

Golweyn (SMN):– Gudoomiyaha deeganka Golweyn ee gobolka shabellaha hoose Maxamed Shiikh Cusmaan (Islaawe) oo lahadlay Idaacada Shabelle ee Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay isku soo bax raab doon ah oo ay shacabka deegaankaasi Maanta ka dhigeen halkaasi.

Gudoomiye  Islaawe ayaa Tilmaamay  in Alle Barigaasi  ay ka qeyb qaadanayaan Boqolaal Shacab ah, kuwaas oo Raxmanka  ka baryaya  in uu ka dul faydo Abaaraha iyo Colaadaha ka jira Deegaanka iyo Guud ahaan Dalka.

Sidoo kale Culumadii ku sugnaa Isku soobaxa Roobdoonta ah ayaa u duceeyay Bulshada, waxaa ayna ku wacdiyeen in ay badiyaan alle ka cabsiga si looga gudbo dhibaatooyinka jira.

Inta badan Deeganada Gobolka Shabellaha Hoose waxa ka jira Abaaro saameeyay dadka iyo Duunyadda, iyadoo Shacabka  Gobolkaasi kunool ay Nolashoodu ku tiirsanayd awalba Beeraha iyo Xoolaha Nool.

Sidoo kale Gobolka Shabellaha Hoose 10kii sano ee ugu Danbeeyay waxaa la dagey Colaado u dhaxeeya qabaa’iladda iyo kuwo hada ka dhax aloosan Alshabaab iyo Ciidamadda Dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this