Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Sucuudiga U Fadhiya Dalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Sucuudiga u fadhiya Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

57467861_2149154161865092_63892404653208

Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay sidii dawladda sucuuudigu gacan uga geysan lahayd gurmadka abaaraha soo foodsaray qaar ka mid ah gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo safiirku balan qaaday inay ka dawlad ahaan ay qayb muhiima ka qaadan doonaan.

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay ganacsiga iyo dhoofka xoolaha sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen labada dal, iyadoo kulankaas lagu soo qaaday sidii xayiraada xoolaha saaran laga qaadi lahaa, shuruudaha dawladda sucuudigu qabtana looga jawaabi lahaa.

Sidoo kale waxa kulanka lagu lafo-guray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal gaar ahaan dhinaca amniga, xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac, isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo arrimaha xajka iyo diinta.

Ugu danbayn safiirku waxa uu dalka ku sugnaan doonaa maalmo kooban isagoo kulamo la qaadan doona qaar ka mida wasaaraddaha, horumarinta Maaliyada, xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, iyo ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this