Deeq A. Posted May 2, 2019 Garoowe ( Sh. M. Network):-Waxaa dib u dhac uu ku yimid shir maanta la filayay in Siyaasiyiin iyo qaar ka tirsan Madax Goboleedyadu ku yeeshaan Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland. Sida aan ka heleyno ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Puntland waxaa la filayaa in 5-ta Bishaan May lagu qabto shirkaasi Magaalada Garoowe halkii maanta 2 May ku beegan shirku qabsoomo. Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka ay ka soo qeyb galayaan Madaxda sar sare ee DFS sida ay ku warrameen ilo lagu kalsoonaan karo. Dhinaciisa Axmed Maxamuud Xasan ( Axmed Baasto) oo aragtidiisa shirkaas ka warbixiyay ayaa sheegay mid aan sharci ahayn oo lagu majaxaabinayo aayaha dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites