Deeq A. Posted May 1, 2019 Xamar Jajab (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda loogu geystay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Askariga la dilay ayaa ka mid ahaa Ciidamada laanta Canshuuraadka ee loo yaqaano Minashiibiyo, waxaana la sheegay in uu ka howlgali jiray Suuqa Beerta ee degmada Waabari. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay fuliyeen rag ku hubeysanaa Bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Dhanka kale saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyay dilkaasi. Dilalka ka dhanka ah Askarta ayaa maalmihii dambe ku soo badanayay Muqdisho, kuwaas oo inta badan ay sheegtaan Al Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites