Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

'No taxation without representation'

Recommended Posts

What does he think Xamar is? Washington D.C.?

Xasan Sheekh: ”Dadka gobalka Banaadir matalaad ayey xaq u lee yihiin waana in ay helaan...

Madaxweynihii horre ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay maqaamka Muqdisho, isagoo sheegay in dadka ku nool magaalada Muqdisho ay xaq u lee yihiin in ay helaan maamul matala.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gobalka Banaadir uu yahay gobalka kaliya ama ugu horreeya goballada dalka ee dhaqaale ku kaaba dowladda federaalka laakin weli la siin mataalad rasmi ah.

”Dadka gobalka Banaadir matalaad siyaasadeed ayey xaq u lee yihiin waana in ay helaan, annagana waxaa u taaganahay xuquuqdaas gobalka Banaadir”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo Soomaali

dhan ay ka dhexeeyso loona baahan yahay sidii dadka ku nool ay u heli lahaayen xuquuq matalaad.

Madaxweynihii horre ayaa ka digay in dadka ku nool gobalka Banaadir la gaarsiiyo in ay diidaan in ay bixiyaan canshuurta sida ka dhacday magaalo ku taalla waddanka Maraykanka oo dadkooda ay diideen in ay canshuurta bixiyaan.

“In ka badan 2-milyan ama 3-milyan oo ku nool gobalka Banaadir yaan la gaarsiin sheekadii hada ka hor ka dhacday magaalo ku taalla Maraykanka oo ah “Haddii aani mataalad jirin canshuur ma jirto,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad maanta Muqdisho ay ku qabsadeen xisbiga Himilo Qaran oo ka mid ah xisbiyada dalka ka dhisan.

Xigasho  

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waa wax lala yaabo nin somaaliya hogaan looga dhigay afar sano oo fikirkiisu sidaa u shaqaynayo

Cabdi shakuur wuxuu doonayaa meeqaanka xamar wuxuuna ka yimid gurceel

Xasan sheekh wuxuu doonayaa meeqaamka xamar wuxuuna ka yimid ceel dheer oo ku taal galgaduud geeska ugu dambeeya

Fiqi wuxuu ka yimid bandiiradley xamar meeqaankeedana dhaxal buu ku leeyahay

Xamar waxay noqotay guri dhaxal beel loogu qaybiyo

Muhiinadooduna waa in dawladnimada soomaaliya oo dhan meeqaamka xamar hoos tagtaa.

16 ka degmo

Sadex waxaa leh reer gaalkacyo, afarna waxaa leh reer cadaado, sideedna waxaa leh reer aadan yabaal.

Mida soo hortayna, waa xamar weyne beelaha banaadirigu ma maamuli karaan meeqaamka iyo dastuurka halala sugo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.