Deeq A. Posted April 28, 2019 Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa maanta soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in si gaar ah loo isticmaalo Bulaacadaha magaalada Muqdisho. Wareegtada ka soo baxday xafiiska guddoomiye Yariisow ayaa lagu sheegay in la ganaaxi doono kun Dollar, cidii si gaar ah u isticmaasha goobaha Biyo Fadhiisidka ah, sida uu Warbaahinta sharaxay Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan. Dhinaca kale Duqa Muqdisho ayaa muddo 30 cisho ah u qabtay in dadka ku dhaqan Caasimadda ay ku naleeyaan ilinka hore ee Guryahooda. Guddoomiyaha ayaa xusay cidii aan u hoggaansamin amarkan la ganaaxi doono Lacag dhan 200 oo Dollar-ka Mareykanka ah. Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmihii dambe waday qorsheyaal guud oo lagu hormarinayo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites