Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:-Maamulka G/Banaadir oo soo saaray Amaro culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa maanta soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in si gaar ah loo isticmaalo Bulaacadaha magaalada Muqdisho.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska guddoomiye Yariisow ayaa lagu sheegay in la ganaaxi doono kun Dollar, cidii si gaar ah u isticmaasha goobaha Biyo Fadhiisidka ah, sida uu Warbaahinta sharaxay Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan.

Dhinaca kale Duqa Muqdisho ayaa muddo 30 cisho ah u qabtay in dadka ku dhaqan Caasimadda ay ku naleeyaan ilinka hore ee Guryahooda.

Guddoomiyaha ayaa xusay cidii aan u hoggaansamin amarkan la ganaaxi doono Lacag dhan 200 oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmihii dambe waday qorsheyaal guud oo lagu hormarinayo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this