Sign in to follow this  
Deeq A.

Maydka Haweeneey Iyo Ilmo Yar Oo Laga Helay Guri Ku Yaalla Gobolka Suffolk Ee Dalka Ingiriiska.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Newmarket)-Haweeneey 28 jir iyo wiil yar oo afar jir ah ayaa maydkooda laga helay guri ku yaalla gobolka Suffolk ee dalka Ingiriiska.

106622489_041637d0-e79b-445f-9750-0c2c65

Qof dadweynaha ka mid ah ayaa soo gudbiyey warka ku saabsan maydadka oo ku jiray dhisme ku yaalla Park Avenue ee magaalada Newmarket.

Qof goob jooge ahaa ayaa wargayska Newmarket u sheegay in haweenaydu ay guriga kasoo baxday ayadoo ooyaysa.

Dambi baadheyaasha ayaa baadhaya wixii dhaliyey dhimashadaas.

Booliiska ayaa codsaday in ciddii wax xog ah ka haysa goobtaas ay lasoo xidhiidhaan.

Afhayeen u hadlay booliiska Suffolk ayaa sheegay in aanay jirin cid ay ku raad joogaan oo ay la xidhiidhinayaan geerida dadkaas.

Mid kamid ah dadka dariska ah, oo kunool meel aan sidaas uga fogayn goobta maydadka laga helay, ayaa yidhi: “Guriga ayaan imid abbaaro 20:00 fiidnimo saacadda Ingiriiska, boliiska ayaana xilligaas meel walba ku sugnaa”.

“Habeenkii oo dhan halkan ayay joogeen, dambi baadheyaal ayaana halkaan kusoo noqnoqonayey”.

Waxa uu sheegay in uu haweenaydaas dusha uun uu ka yaqaannnay balse uu la hadlay hal mar oo kaliya.

Lammaane kale oo kunool xaafadda Park Avenue, ayaa sheegay in ay arkayeen wiilka oo ku ciyaaraya barxadda gawaarida la dhigto oo halkaas ka dhawayd.

“Guryo badan oo kiro ah ayaa kuyaal xaafaddan, sidaas darteed dadku way yimaadaan wayna baxaan,” ayay yidhaahdeen.

Nin waayeel ah oo halkaas daggan ayaa intaas raaciyey ” 60 sano ayaan halkaan dagganaa xaafaddana waxa ay ahayd mid aad u daggan oo wax dhib ah aanu ka jirin.

“Waa wax aad looga naxo, waa musiibo.”

Booliiska ayaa xidhay jidka xaafaddaas dhex mara.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this