Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’ada socdaalka DF oo garoonka Aadan Cadde keensatay konteenar lagu dhaco lacago + Caddeyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda Socodaalka Jinsiyadaha ayaa keentay barnaamij cusub oo lacag aan sharci ahayn looga qaado dad ajnabiga ah ee imanaya dalka, kaasi oo dowladda inteeda kale aysan ogeyn.

Sida ku cad xog iyo caddeymo ay heshay Caasimadda Online, qaar ka tirsan Madaxda Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa hirgeliyey qorshahan dadka looga qaadayo lacag aan ku jirin nidaamka lacag qabashada ee wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Korneel Maxamed Aadan Koofi oo horey uga tirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo Mas’uul kale oo lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Cali Caadle oo ka tirsan hay’adda ayaa iska kaashaday mashruuc laga sameeyey dhaqaale aad u badan.

Mashruucaas lacagta laga sameeyey, ayaa sida uu nidaamka yahay waxaa iska lahaa Wasaaradaha Caafimaadka iyo midda Maaliyadda, Balse iyadoo lagu takrifalayo awoodda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa lagu sharciyeystay hirgelinta Mashruucaas oo lacago badan laga soo xareeyo maalin kasta.

Koofi iyo C/raxmaan Caadle, ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ka dhexsamaystay kunteenar qol ah oo lagu bixiyo warqad la sheegay inay tahay hubinta Caafimaadka dadka ajaanibta ah ee kasoo dago garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International.

Xafiiskaas oo ay iska kaashadeen Koofi iyo C/raxmaan Caadle, waxaa qof kasta oo ajnabi ah looga qaadaa lacag gaareyso illaa 75 dollar, sida ku cad Documentiga hoos ka muuqdo oo ay heshay Caasimada Online.

Midda ugu yaabka badan ayaa ah in dadka ajaanibta ah aan la marin wax caafimaad ah, maadaama dadka mashruucaan wato aysan wax aqoon ah u laheyn Arrimaha Caafimaadka, balse waxaa la buuxiyaa waraaq taalo Xafiiska kadibna waxaa qofka laga qaadaa Lacagta, taasoo ah musuq maasuq aan geed loogu soo gamban.

Midda kale oo Mashruucaan sharci darro ka dhigeyso, ayaa ah inaysan ka war qabin Wasaaradihii shaqadaan lahaa oo kala ah Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Lacagaha ruqsada iyo mida Visaha dalka Soomaaliya lagu soo galo waxaa loo shubaa akoonka Wasaarada Maaliyada, Balse lacagtaan ayaa iyadoo cadaan ah waxaa gacanta loo galiyaa Gabadh lagu magacaabo Nimco Maaxamuud, taasoo ay shaqaaleysiisteen Koofi iyo C/raxmaan Caadle.

Caadle ayaa ah Nin ay is fahamsan yihiin Taliyaha ka sareeya ee Maxamed Aadan Koofi, waxaana jiro Mashaariic badan oo ay labadaan Mas’uul ka sameeyaan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, waxaana arrintaan ku raad joogto Shabakadda Caasimadda Online oo dhawaan soo bandhigi doonto Mashaariic kale oo si sharci darro ah loogu fuliyo hey’adan.

Cabdiraxmaan Caadle ayaa waxaa dhalay Maxamed Cali Caadle oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

Mashruucaan ay iska kaashanayaan labadaan Mas’uul, ayaa kusoo aadayo Xilli Wasaaradda Maaliyadda ay sheegtay in nidaam loo sameeyey Canshuuraha iyo Daqliga Gudaha, islamarkaana aysan dhici doonin in hadda kadib la lunsado Hantida Qaranka, balse waxaa muuqato inaysan weli Wasaaradda ka adkaan Shirkado iyo Shakhsiyaad lunsado Hantida dadka Soomaaliyeed oo muddo badan kusoo jiray dhibaato.

Dowladda ay hoggaanka u hayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa horey u ballan qaaday inay joojin doonaan Musuq maasuqa ka jira Hey’adaha Dowladda,  balse waxay u muuqataa inay arrintaan ku kooban tahay kaliya meelo gaar ah balse aan weli la gaarsiin qeybaha kala duwan ee Hey’adaha Dowladda.

58380746_283043315981473_599453217624948 58574682_2267501349975362_66877358863244 58870221_388536448398382_574237370140852 58384657_584158195437564_534479845294761

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this