Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaafad cusub oo laga dhagax-dhigay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaafadda cagaaran ee Boosaaso waa xaafad dhowaan la qorsheeyey in laga hirgeliyo dhanka galbeed ee magaalada Boosaaso. 

Waxaa mashruuca lagu dhisayo xaafadaan cusub iska kaashanaya qurbajoog soomaaliyeed oo maalkooda ku bixinaya horumarinta dalkooda.

Dhulkan ayaa loo qaabeeyay in mustaqbalka dhow laga dhiso ilaa 2500 Guri iyo Goobo danta guud ah.

Munaasibadda lagu dhagax dhigayey xaafadan cusub waxaa ka soo qayb-galay xubno katirsan golaha xukuumadda Puntlan , maamulka Gobalka bari kan degmada Boosaaso , isimo , siyaasiyiin xilal kala duwan soomaaliya ka soo qabtay ,waxgarad iyo dadweyne kala duwan.

Dadkaasi oo ay aaad u soo jiidatay nidaamka cusub ee loo qorsheeyey in xaafadda cagaaran ee Boosaaso loo dhiso.

Gudoomiyaha Degmada Boosaaso Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam , Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado , Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee Puntland Axmed Cirro iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa soo dhaweeyey xaafaddan cusub.

Mas’uuliyiinta ayaa qurbajoogta soomaaliyeed ee mashruucaan hirgelinaya u balan qaaday wadashaqayn joogto ah

Eng Cabdimahad Siciid Cali kawir oo ah injineerka xaafadan cusub  dhismeheeda gacanta ku haya ayaa isna ka hadlay habka dhismayaasha xaafadaan noqon doonaan iyadoo aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble oo  madaxa mashruuca uu si lamid ah uga hadlay sidoo kalena Cabdisalaam Cismaan Yuusuf oo kamid ah aasaasayaasha mashruucaa xaafadda cagaaran ee boosaaso .

Dhegayso codadka

Halkaan ka eeg sawirada

IMG-20190427-WA0001.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190427-WA0000.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190427-WA0002.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190427-WA0003.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190427-WA0004.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190427-WA0005.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190427-WA0006.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190427-WA0007.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190427-WA0009.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xaafad cusub oo laga dhagax-dhigay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this