Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingiriiska oo Puntland ka caawinaya dhinacyo kala duwan

Recommended Posts

Deeq A.   
BEN-IYO-DENI.jpg?w=1000&ssl=1safiirka UK iyo madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Sabtiya magaalada Garoowe kula kulmay, safiirka dalka UK u qaabilsan Soomaaliya Ben Fender.

Kulanka madaxweynaha iyo safiirka ayaa looga hadlay arrimaha: abaaraha ka jira Puntland, amniga, siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha, sida ay labada mas’uul ka sheegeen hadal ay warbaahinta siiyeen kulankooda kadib.

Madaxweynaha Puntland oo hadalka ku horreeyay ayaa sheegay in ay ka wada-hadleen dhinacyada amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo qodoba kale, isagoo xusay in ay kulamo kale yeelan doonaan mudada safiirku Puntland joogo.

Safiirka ayaa isna socdaalkiisa ku tilmaamay markii u horraysay ee uu yimaado degaannada Puntland, waxaana uu sheegay in kulanka looga hadlay afar qodob oo kala ah; arrimaha abaaraha , horumarinta dhaqaalaha, amniga & la’daagallanka argagixisada iyo guud ahaan siyaasadda dalka.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST

The post Ingiriiska oo Puntland ka caawinaya dhinacyo kala duwan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this