Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa manta kooram la’aan u baaqday kulankii sideedaad Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Illaa 128 Mudane ayaa soo xaadiray, kuwaas oo aan dhameyn tirada rasmiga ee uu ku furmo fadhiga golaha shacabka.

Kulankan ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in akhrinta labaad Xildhibaanadu ay mariyaan hindise sharciyeedka shirkada ganacsiga dalka.

Dhinaca kale  Xildhibaan Daahir Cabdi C/laahi (Dr Goo) wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadlay xarunta golaha shacabka ayaa ka codsaday guddiyada joogtada ee BFS in ay keenaan golaha  sharciyada muhiimka u ah dalka.

Dr Goo ayaa muujiyay in golaha shacabka ay hor yaallaan sharciyo badan oo waxtar u leh Ummadda Soomaaliyeed.

Kulamadii ugu dambeeyay ee golaha shacabka ayaa waxaa jiray murano u dhexeeyay Xildhibaabada dhexdooda, kuwaas oo ka dhashay ka doodista amniga dalka.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this