Sign in to follow this  
Deeq A.

Sucuudiga Iyo Imaaraadka Oo Lagu Eedeeyay Inay Faro-gelinayaan Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Muwaadiniinta reer Suudaan ee Magaalada Khartuum ka sii wada Dibed-baxyada ay ku dalbanayaan in Milletarigu uu Xukunka ku wareejiyo Rayidka ayaa farriin u diray Dawladaha Khaliijka Carabta.

Suuudaan.jpg

Dibed-baxayaasha ayaa Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ugu baaqay in aanay deeq Lacageed ah siinin Suudaan isla-markaana ay haystaan Lacagtooda, Maalin ka dib markii Dawladaha Hodanka ku ah Saliidda ee Imaaraadka iyo Sucuudigu ku dhawaaqeen inay Suudaan ugu deeqayaan 3 Bilyan oo Dollar.

Dibed-baxayaasha Suudaan oo weli hor-fadhiya Xarunta Wasaaradda Difaaca ayaa markii uu soo baxay warka sheegaya in Sucuudiga iyo Imaaraadku ay Lacag deeq ah siinayaan Suudaan, waxay ku bilaabeen inay ku heesaan oo ay yidhaahdaan โ€œMa Rabno Taageerada Sucuudiga..โ€ ayay ku heeseen Dibed-baxayaasha reer Suudaan.

Dibed-baxayaashu waxay shaki ka muujiyeen in Sucuudiga iyo Imaaraadku ay doonayaan inay Maamulaan Suudaan, iyagoo u soo maraya Taageerada Lacagta โ€œWaxay u ololaynayaan Lacag, si ay iskugu dayaan inay Maamulaan Suudaan..โ€ ayuu yidhi, Adil Gasem Alseed oo la hadlay Telefiishanka Al-jazeera oo Horn Cable ka soo xigtay, waxaanu intaa ku daray โ€œWaanu haysanaa khayraad nagu filan. Dib baanu u dhisan karnaa Dalkayaga iyaga laโ€™aantooda (Sucuudiga iyo Imaaraadka), sidaa darteed waxaanu leenahay, Waad Mahadsan tihiin, fadlan Lacagtiina haysta..โ€

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this