Deeq A. Posted April 20, 2019 (SLT-Hargeysa)-Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta lasoo taagey maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa, hase ahaatee guddoomiyaha maxkamadda ayaa ciidankii soo qabtay ku yidhi dib ugu celiya gobolkiisii Togdheer – sida ay sheegeen ehelladiisu. Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex waxaa uu ciidanka waydiiyay in ay haystaan waaran qabasho an, waxayna sheegeen in aanay haysan. Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu ciidankii soo qabtay Wariye Coldoon ku amray in ay goob caafimaad geeyaan maadaama dhaawacyo kala duwan ay soo gaadheen. Source Share this post Link to post Share on other sites