Deeq A. Posted April 18, 2019 Muqdisho (SMN) – Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar islow (Ducaale) ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aysan ka qeyb galin dibadbaxyo uu sheegay in ay ababulayaan dad leh dano gaar ah oo ku sugan magaalada Muqdisho. Wasiir Ducaale ayaa hoosta ka xariiqay in banaanbaxyadaasi oo rabshada wata laga abaabulaya baraha bulshada ee Internet-ka. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in ay muhiim tahay in shacabku ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga ee Soomaaliya. Hadalkan ayuu wasiirka amniga ka jeediyay munaasabad is dhexgal bulsho ah oo maanta lagu qabtay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites