Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war ka soo saartay qaraxii ka dhacay DABKA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax loo adeegsaday gaari ayaa waxa uu maanta ka dhacay afaafka hore ee maqaayad ku taalla isgoyska Dabka, una dhow agagaarka Saldhiga degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir, waxaana qaraxaas faah faahin ka bixiyey taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye kuxigeenka Ciianka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in qaraxaas loo adeegsaday gari noociisu yahay  Toyota Harrier oo la hordhigay dhismo u dhaw Isgoyska Dabka ee Magalada Muqdisho.

“Ilaa iyo hadda inta aan xaqiijinnay waa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac ah. Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebe degdeg ha u bogsiiyo ayay tiri Taliye Zakiya.

Shacabka Soomaaliyeed ayay ugu baaqday inay  in ay taxaddar muujiyaan oo ay Booliiska kusoo wargaliyaan gawaarida laga shakiyo iyaga oo soo wacaya 991, sidoo kale waxa ay dalbatay in qof walba uu fiiro u yeesho halka uu dhigayo gaarigiisa.

Qaraxaan Galabta ka dhacay Magalada muqdisho ayaa ahaa qarixii labaad ee ka dhaca isla Maanta Muqdisho, balse qarixii dhacay Maanta barqadii uusan geysan wax khasaaro ah balse kan Galabta ay ku geeriyoodeen ilaa 4 ruux.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this