Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax weyn oo goor-daw ka dhacay Waddada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Khasaare aan la xaqiijin ayaa ka dhashay qarax goor dhaw ka dhacay isgoyska dabka ee Muqdisho, kaasoo ku yaalla waddada maqshuulka badan ee Maka Al-Mukarama oo ay inta badan maraan madaxda Dowladda Somalia.

Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa goobta gaaray iyagoo qaadaya khasaarihii ka dhashay Qaraxa, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn inta uu le’eg yahay.

Qaraxan oo intiisa badan laga maqlay Muqdisho ayaa waxaa loo adeegsaday gaari waxyabaha qarxa laga soo buuxiyay, isagoo ka dhacay maqaayad ku dhaw saldhigga booliiska ee degmada Waaberi.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxan, sidoo kalena kama aysan hadlin hay’adaha amniga dowladda, waxaana goobta uu qaraxaan ka dhacay soo gaaray ciidammo fara badan oo kuwa dowladda Somalia ah.

Dhanka kale, Qaraxan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo Muqdisho ka dhaca maanta oo keliya, iyadoo qaraxii hore oo ka dhacay isla waddada Maka Al-mukarama aysan jirin cid wax ku noqotay, basle ay ku gubteen laba saddex gaari oo uu ku jiro midkii qaraxa lagu soo xiray.

Wixii warar ah ee ku saabsan Qaraxan waxaad kula socon donaan wararka soo socda ee Puntland Post haddii ALLE ogolaado.

PUNTLAND POST

The post Qarax weyn oo goor-daw ka dhacay Waddada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this