Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Xooggan Oo Goor-dhawayd Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya goor dhawayd uu Qarax gaadhi ka dhacay.

wararka-dag-dag-1-1.jpg

Qaraxa gaadhi ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Saldhigga Waaberi sida Saraakiisha ay noo xaqiijiyeen.

Qof goobooge ah ayaa sheegay inuu arkaayay illaa afar qof oo mayd ah oo Qaraxa ku dhintay iyo dad kale oo dhaawac ah.

Gaadiidka gurmadka deg-dega ayaa gaadhay goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo ay ka qaadayaan dhaawacyada ka dhashay Qaraxa.

Ciidammada Booliska Saldhiga Degmada Waaberi ayaa ku yaacay goobta ay wax ka dhaceen.

La soco wixii ku soo kordha

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this