Deeq A. Posted April 17, 2019 Muqdisho (SMN) – Sarreeye guuto Zakiyo Xuseen Axmed taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay ku raad joogaan xubno ka tirsan Al Shabaab oo ku sugan magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ka war qabaan laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Zakiyo ayaa hoosta ka xariiqday in ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu doonayo in lagu soo qabto raggaasi. Sidoo kale taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday shacabka in ay kala shaqeeyaan sugida amniga magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa waxa ay imaamneysaa, xilli maalmihii u dambeeyay Ciidamada dowladdu ay wadeen howlagllo lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites