Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyey Madaxda Dhaqanka Ee Bariga Gobolka sanaag.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargaysa (Somalilandtoday)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta Hadhimo sharafeed ku maamuusay Odoyaasha dhaqanka ee Barriga Sanaag.

57340932_860004441019357_933053186602696

Odayaasha Dhaqanka oo Hargaysa U Yimi Martiqaad ay ka heleen Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Todobaadkanba Ku Sugnaa Caasimada hargaysa ayaa Maanta Waxaa Hadhimo sharafeed Hotel Maansoor ugu Sameeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed.
Hadhimo sharafeedkan ayaa ka sokow odoyaasha dhaqanka ee bariga sanaag waxaa kasoo qayb galay wasiiro hore xildhibaano iyo marti sharaf kale .
Waxaana halkaasi hadalo soo dhaweyn ah kasoo jeediyey wasiirka arrimaha Gudaha , ex wasiir cali warancade, ex wasiir Cadimi iyo sulaadiin si diiran usoo dhaweeyey madax dhaqameedka.
Dhinaca kale waxaa odoyaasha dhaqanka ee Beriga Sanaag u Hadhay laba oday oo ka mahad naqay qadada uu ku sharfay wasiirka arrimaha Gudaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this