Deeq A. Posted April 14, 2019 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta sameeyey xil ka qaadis iyo magacaabis. Arrintan ayaa saameysay wasiirrada iyo safiirka Itoobiya. Halkan Ka Soo ka Akhri Wareegtada: Wareegto Madaxweyne Xil ka Qaadis Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Wareegto Madaxweyne. Magacaabid: Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites