Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo BOOYADII ugu weyneyd oo Qarax lagu diyaarinayay Gacanta ku dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaarigii ugu weynaa oo lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa, kadib howlgal laga sameeyay gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa gaarigaan ku qabtay deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeelaha Hoose, deegaankaasi oo 40 KM dhanka Koofur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Gaariga oo ahaa Booyad ayaa la sheegay in lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa la sheegay in la damacsanaa in weerar looga geysto magaalada Muqdisho, sida xogaha lagu helayo.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka oo heystay xog dhanka sirdoonka ah ay gaariga booyadda ah ku qabteen deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale wararka soo baxaya ayaa sheegaya in la qabtay dadkii ku howlanaa diyaarinta qaraxa.

Deegaanka ayaa ciidamada dowladda waxay la wareegeen saacado ka hor, kadib markii ciidamada Kumaandooska ay ka qeyb qaateen howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaankaasi iyo deegaano kale oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa la hadal hayay booyadda lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, waxaana magaalada ka jirtay cabsi dhanka amaanka ah, iyadoo baaritaano ay bilaabeen laamaha amaanka.

Sirdoonka reer Galbeed ayaa digniinaha dhanka amaanka la wadaaga shaqaalaha garoonka diyaaradaha qaarkood, waxaana hadda jirta cabsi laga qabo weeraro Al Shabaab ka fulin karaan magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa dhigtay isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana ay baaritaan ku sameynayaan gaadiidka kasoo gudbaya meelaha loo ogol yahay in gaadiidka dadweynaha ay adeegsadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this