Deeq A. Posted March 31, 2019 Garissa (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidamada milatariga Kenya saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaano dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Howgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay ku soo qab qabteen illaa 17 ruux oo isugu jira dad reer Miyi ah iyo Ganacsato. Sagaal ka mid ah dadka loo soo qabtay ayaa lagu soo warramayaa in loo gudbiyay dhanka magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bare Kenya, halka lixda kalena haatan lagu hayo saldhig ku yaalla xeryaha Dhadhaab ee dalkaasi. Ciidamada Kenya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al Shabaab ka waday xadka Soomaaliya, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga. Arrimahan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya, xilli dhawaan milatariga Kenya ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites