Deeq A. Posted March 28, 2019 Muqdisho (SMN)- Mar uu ka hadlayey Siyaasadda ay Dowladiisu ka leedahay xiriirka caalamiga ah ee dunida ayaa madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay sii xoojinayan iskaashiga dalalka dariska. Muhiimadda ka danbaysa arintaasi waxaa uu ku sheegay madaxweynaha Soomaaliya in dowldaha saaxiibada la ah dalka ay tixgaliyan oo ay ilaaliyan madax banaanida Soomaaliya Tan iyo Wixii ka danbeeyay Markii uu talad dalka la wareegay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi farmaajo dadka Siayaasada falanqeeya waxaa ay sheegaan in dowladdan ay dowladihii hore uga duwan tahay siyaasada arimaha dibadda iyadoo ay xusid mudan tahay in ay dowladu marar kala duwan gaaray go’aano wax ku ool ah oo muujinaya In Soomaaliya ay lasoo Laabatay Haybadii ay ku laheyd masraxyada caalamka. Dhageyso codka madaxweynaha:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-madaxweynaha.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites